Ku dhawaad Milyan Suuriyaan ah oo dalkooda dib ugu soo laabanaya

0
40

Ku dhawaad Milyan Suuriyaan ah oo dalkooda dib ugu soo laabanaya

Nus milyan muwaadiniin reer Suuriya ah ayaa dib ugu soo laabtay gudaha wadankooda, tan iyo 8-da December 2024, sida uu xaqiijiyay Agaasimaha Xiriirka Dadweynaha ee dalkaasi.

Agaasimaha oo la hadlay wakaaladda wararka ee SANA, ayaa sheegay in tiradan laga diiwaangeliyay baraha xuduudaha dalka, iyagoo kasoo laabtay dalalka dariska ah ee Turkiga, Lubnaan, Urdun, iyo Ciraaq.

Waxaa sidoo kale jira tobannaan kun oo muhaajiriin ah oo dib ugu soo laabtay dalka tan iyo markii laga xoreeyay nidaamkii Bishaar Al-Asad.

Wuxuu sheegay in muddada u dhaxaysay 8-da December 2024 ilaa 8-da June 2025, ay dalka kusoo noqdeen dad lagu qiyaasay nus milyan, taasoo qeyb ka ah barnaamijka dib-u-soo-celinta muwaadiniinta si iskood ah uga soo laabanaya dibedda.

Hay’addu waxay sidoo kale ku dhawaaqday in dhammaan alaabaha guriga iyo agabka gaarka ah ee ay wataan dadka soo laabanaya laga dhaafayo cashuuraha iyo khidmadaha xuduudaha, si loo dhiirrigeliyo soo laabashadooda, loogana taageero xasilloonida noloshooda iyo midda qoysaskooda.