Kooxda Boko xaraam oo weerar qasaaro dhaliyay ku qaaday barasaabka Borno

0
529

Kooxda Boko xaraam oo weerar qasaaro dhaliyay ku qaaday barasaabka Borno

Kooxda Boko Xaraam ayaa weerar xoogan ku qaaday kolonyo uu la socday barasaabka ismaamulka Borno ee waqooyi galbeed, waxaana lagu dilay sadex askari oo ka tirsanaa ciidanka booliska Nigeria.

Laba Sargaal oo ka tirsan booliska ayaa u xaqiijiyay wakaalada wararka ee Reuters in weerarka ay ku dhinteen sadex askari, balse wararka qaar ayaa sheegaya in dhimashada ay tahay 10 ruux.

Kashim Shetima ayaa ku wajahnaa markii la weerarayay ka tagay magaalada caasimada ah ee Maidaguri waxaana uu ku wajahnaa magaalada Gamboru Ngala si uu halkaasi uga sameeyo ololihiisa siyaasadeed.

Kooxda Boko Xaraam ayaa kordhisay mudooyinkii la soo dhaafay weerarada ka dhanka ah kooxaha Argagaxisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here