Koox hubeysan oo in ka badan 15 qof ku dishay Bartamaha Dalka Mali.
Koox hubeysan ayaa weerar ay ka fulisay bartamaha Dalka Mali ee dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika waxa ay ku dishay ugu yaraan 15 qof halka ay dhaawacday tiro kale sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Dowladda.
Inkasta oo aanay jirin dhinac sheegtay mas’uuliyadda weerarkaan dhinacyada ka dagaalamaya dalkaas balse Dowladda Mali ayaa dusha ka saartay kooxaha gacansaarka la leh Al-Qaacida iyo Daacish oo weeraro kan lamid ah horay u geysatay.
Sarkaal katirsan Dowladda Mali ayaa sheegay in Ciidamadu jawaab degdeg ah oo culus ay ka bixinayaan weerarkaas si gacanta loogu soo dhigo kooxaha ka dambeeyay dhibaatada loo geystay dadka rayidka ah.
Magaalada Bankass Circle ee dhacda Gobolka Mopti waa goobta uu ka dhacay weerarkaan waxaana cabsi xooggan ay soo wajahday dadka kale ee ku sugan Magaaladaas maadaama naftooda ay uga baqayaan kooxaha dilalka geysanaya.
Waddamada kale ee xadka la wadaago Mali ayaa ka cabanaya kooxo hubeysan oo dilal iyo weeraro toos ah ka geysanaya Dalkaas, ma jiro qorshe mideysan oo ay ku wajahayaan waana tan keentay in ay saldhigtaan Xuduudaha dalalkaan ay wadaagaan.