Koofurta Hindiya oo laga baadigoobayo Dad lagu waayay Dhul go’ ka dhacay Dalkaas

0
54

Koofurta Hindiya oo laga baadigoobayo Dad lagu waayay Dhul go’ ka dhacay Dalkaas

Ismaamulka Kerala ee Koofurta Dalka Hindiya oo uu ka dhacay Dhul go’ galaaftay nolosha ugu yaraan inta haatan la xaqiijiyay 151 qof halka la la’ yahay boqolaal kale ayaa waxaa lasoo wariyay in uu socdo gurmad xooggan oo loo sameynayo Dadkaas la baadigoobayo.

Xaalka ayaa sii xumaado kaddib markii dhul go’ cusub uu ka dhacay mid kamid ah marinada la qorsheeyay in loogu gurmado Dadkaas dhibaatadu gaartay balse qaar kamid ah Dadkii gargaarka ku howlanayaa ayaa qudhoodu musiibadu dhankooda taabatay.

Roob Mahiigaan ah ayaa ka da’aya dhulka jilcay ee billaabay in uu la dumo Dadka iskaba dhaafee Gaadiid in lagu dulmaree, waxaana halkaas la geeyay Gaadiidka cagafka siliska leh ee awoodi kara in uu ilaa xad u adkeysto xaaladaha adag ee halkaas ka jira.

Si dadka looga gudbiyo deegaannada ay ku go’doomeen waxaa la sameeyay buundooyin macmac ah si halkaas looga sii wado dedaallada xooggan ee lagu soo samatabixinayo ku dhowaad 400 oo qoys oo halkaas deegaan u ah oo si gaar ah halistu u saameysay.

Dhul go’a ka dhacay Hindiya waxaa musiibadaas la qaba Dalal kala duwan sida Itoobiya oo Todobaadkii hore ay ku naf waayeen in ka badan 200 oo ruux waxaana sida Hindiya oo kale Khasaaraha sii kordhiyay kaddib markii Kooxihii gurmadka qudhoodu dhulka la go’ay.