Kongreska Maraykanka oo ansixiyay dhaqaale lagu caawinayo dadka uu saameeyay Covid 19

0
424

Kongreska Maraykanka oo ansixiyay dhaqaale lagu caawinayo dadka uu saameeyay Covid 19

Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa Sabtida maanta ah ansixiyay xirmo dhaqaale oo gaareysa $1.9 trillion, taas oo uu madaxweyne Joe Biden ku doonayo in uu ku taageero dadka Mareykanka ah ee uu sida aadka ah u saameeyay cudurka COVID-19.

Dimoqraadiyiinta oo leh aqlabiyadda Aqalka Wakiillada ayaa xeerkani ku marsiiyay Aqalka codad dhan 219, halka ay kasoo horjeesteen 212 mudane oo Jamhuuri ah. Tani ayaa uga dhigan madaxweyne Biden guushiisii ugu horreysay ee dhanka sharciga ah oo uu soo hooyay tan iyo markii uu qabtay talada Mareykanaka, bishii Jannaayo ee sanadkaan.

Xeerkaan ayaa hadda u gudbaya Aqalka Senate-ka oo ay isna aqlabiyaddiisa leeyihiin Dimoqraadiyiinta. Senate-ka oo ka kooban 100 mudane ayay labada xisbi ee Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga kala heystaan min 50 mudane, laakin Dimoqraadiyiinta ayaa ka faa’ideysan kara codka madaxweyne ku xigeenka oo ah madaxa Aqalka Senate-ka. Kamala Harris madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ee hadda ayaa ah haweeneey Dimoqraadi ah.

Xirmada dhaqaale ee uu Aqalka Wakiilladu ansixiyay oo ah lacag dhan 1 tiriliyan iyo sagaal boqoal oo bilyan oo dollar, ayuu maamulka Biden ku rabaa in uu ku barataaro dhaqaalaha Mareykanka, in sare loogu qaado xowliga tallaalka Covid-19 iyo in qoysaska Mareykanka ee dabqadaha dhexe iyo kuwa shaqeeya la siiyo 1,400 oo dollar qofkiiba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here