Khasaare intee dhan ayey kooxda Wagner gaarsiisay Ruushka?
Madaxweyne Putin ayaa sheegay in duuliyeyaal ciidamada Ruushka ka tirsan lagu dilay dagaalkii ay la galeen ciidamada Wagner dhamaadkii todobaadkii tagey. Waxaa kale oo ay u muuqataa in dhowr diyaaradood la burburiyay.
Maxaa laga yiri khasaaraha milatariga Ruushka?
Madaxweyne Putin waxa uu bayaan uu soo saaray 26-kii June ku tilmaamay “duuliyayaasha geesiyada tagey”. Si kastaba ha ahaatee, ma uusan si faah faahsan uga hadlin tirada dadka ku dhintay ama ama diyaaradaha lagasoo riday ciidankiisa.
Yevgeny Prigozhin, oo ah madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner, ayaa sheegay in ciidamadoodu ay duqeeyeen diyaarado Ruush ah oo “tuuray bambooyin isla markaana qaadayay weeraro gantaallo ah” iyagoo isku dayaya inay joojiyaan u ruqaansiga Moscow.
Waxa uu ka dhawaajiyay in uu ka xun yahay in ay soo rideen diyaaradaha Ruushka.
Maamulka Ukraine ayaa ku andacoonaya in ciidamada Wagner ay burburiyeen lix diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah oo Ruushku leeyahay iyo diyaaradkale intii ay socdeen kacdoonnadii Sabtida.
Qaar ka mid ah kanaalada Telegram, oo ah shabakad bulsho oo caan ku ah qorayaasha militariga, ayaa sameeyay sheegashooyin la mid ah khasaaraha ay ukraine sheegtay.
Qaybta BBC-da ee xaqiijinta ayaa eegtay daraasiin muuqaallo ah oo la duubay intii uu socday dagaalka u dhexeeya ciidamada Wagner iyo kuwa Ruushka.
Waxaa la xaqiijiyay in diyaarad militari ay ku soo dhacday meel u dhow magaalada Kantemirovka.
Arrintan ayaa si weyn loogu baahiyay kanaalada baraha bulshada ee kala duwan sida Ilyushin Il-22 oo sheegay diyaarad qiimo leh oo loogu talagalay ciidamada qalabka sida ee Ruushka inay dhacday.
Sawirada burburka diyaaradda ayaa lagu faafiyay baraha bulshada, sida burburka ka muuqatana, waxa ay u egtahay in ay tahay nooca la cusboonaysiiyey ee diyaaradda Il-22M. Erayada “Ciidanka Cirka ee Ruushka” ayaa ka muuqda dhinaca diyaaradda
Meeshaan waa xarun talis oo hawada laga maamulo, oo ciidamada laga maamuli karo xilliga dagaalka. Waxa ay u adeegtaa in ay isku xidho xarumaha taliska ee ka fog jiidda hore iyo ciidamada dhulka jooga.
BBC-da Ruushka ayaa sheegtay in sida lagu sheegay warbixinnada warbaahinta bulshada, in wadar ahaan lix diyaaradaha qumaatioga u kaca ah sidoo kale la soo riday, oo ay ku jiraan laba xabbo oo nooca oo weerarka ah, saddex ah nooca loo adeegsado dagaalka elektaroonigga ah iyo hal kuwa xamuul qaada ah.