Khasaaraha Ka Dhashay Rabshadahii Ka Dhacay Itoobiya Oo Kordhay

0
386

Khasaaraha Ka Dhashay Rabshadahii Ka Dhacay Itoobiya Oo Kordhay

Booliska dalka Itoobiya ayaa sheegay dadka ku dhintay mudaharaadyada rabshadaha watay ee dalka Itoobiya ka dhacay ay ku dhinteen 166 qof.

Taliye ku xigeenka booliska deegaanka Oromada Girmaa Galaan wuxuu FBC u sheegay mudaharaadyadi rabshadaha watay ee dalka Itoobiya ka dhacay dadka ku dhintay inay isugu jiraan 145 qof oo shacab ah iyo 11 askari oo ka mid ah ciidamada ammaanka.

Mr Girma wuxuu intaasi ku daray iney rabashadahaasi 167 qof oo kale waxyeello ka soo gaartay, dowladduna ay xidhay dad ay tiradooda gaareyso 1,084 oo rabshadaha iyo qulqulatooyinka dalka Itoobiya ka dhacay.

Taliyaha waxa kale uu sheegay dhimashada dadkaasi iney keentay rasaas ay ciidamada amaanka mudaharaadayaasha ku fureen iyo isku dhacyo dhex maray qowmiyado iska soo horjeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here