Kenya Oo ku Guulaysatay Taranka Kursiga Somaliaya Banneysay Ee Maxkamada ICJ
Kenya ayaa loollan adag oo afar wareeg qaatay waxay caawa ku guuleysatay inay hesho kursiga uu banneeyay Garsooraha Soomaaliga ah , Cabdulqawi Axmed Yuusuf ee maxkamadda caddaalada adduunka ee ICJ, iyadoo booskan ay buuxin doonto haweenay garsoore ah oo lagu magacaabo Phoebe Nyawade Okowa.
Kursigan ayaa cidda buuxinaysa wuxuu u baahnaa inuu cod ka helo golaha guud ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Ammaanka oo doorta garsoorka maxkamadda ICJ, waxaana cod bixin afar wareeg qaadatay ay Kenya ku soo baxday 106 cod , halka Sierra Leone oo si weyn kursigan u raadinaysay olole adagna u gashay ay heshay 79 cod.
Kenya ayaa dadaal badan ku bixisay kursiga uu dhawaan iska casilay garsooraha Soomaaliga ah, Cabdulqawi Axmed Yuusuf ee maxkamadda dembiyada caalamiga ee ICJ
Sierra Leone, Nigeria iyo Ghana ayaa sidoo kale ka mid ahaa dalalka u tartamayay jagadan
Kenya , markii ay ku guul-darraysatay oo Soomaaliya uga adkaatay dacwadii badda ee lagu qaaday ICJ, waxay muhiimad u arkeysay inaysan ka maqnaan kuraasta sharciyada caalamiga ah, ma cadda hadda doonista badan ee kursigan ay ku bixinayso inay ujeedooyin qarsoon ka leedahay.
























