Kaniisad weyn oo loo beddelayo Masaajid si Muslimiintu ugu cibaadeystaan !

0
118

Kaniisad weyn oo loo beddelayo Masaajid si Muslimiintu ugu cibaadeystaan !

Kaniisad beylahday oo aan wax shaqo ah lagu qaban tan iyo sannadkii 2020-kii, ayaa la filayaa in laga dhigo Masjid lagu tukado salaadaha iyo isu-tagga bulshada Muslimiinta ah ee ku nool magaalada Bratford ee dalka UK.

Taniyo sanadkii 1870 ayay soo jirtay kaniisaddan waxaana iibsaday golaha bulshada Muslimiinta ee degmada, waxaana qorshuhu yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan looga dhigo masjid, sida ay kusoo warrantay Asian Image.

Adduun dhan £125,000 ayuu ku kacay iibka Kaniisaddan. Masjidka waxay halbowlayaasha dhiiga u qaada wadnaha u yihiin Muslimiinta, waxayna qabtaan shaqooyinka bulshada Muslimka ah ay maalinle ugu baahan yihiin sida salaadaha.

Lacago ay iska aruursheen dad muxsiniin ah ayaa lagu iibiyay kaniisadan, waxaana la filayaa in si deg deg ah loo dhiso loogana dhigo halkaasi Masaajid weyn ay ku cibaadeestaan bulshada muslimiinta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here