Jubbaland oo ka hortimid muddo kordhinta loo sameeyay Madaxda Dowlad Goboleedyada

0
39

Jubbaland oo ka hortimid muddo kordhinta loo sameeyay Madaxda Dowlad Goboleedyada

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka horyimid qoddobadii ka soo baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo muddo kordhinta loo sameeyay maamulada qaar ee dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in ay u madaxbannaan yihiin qabashada doorashada maamulkaasi ay dhici doonto.

“Jubbaland waxay xaq u leedahay iyada oo ilaalineysa in Firaaq dastuuri ah in uusan dhicin in Doorashada heerarka kala duwan ay ku dhacaan waqtigooda aysana dhicin mudo kordhin kale. Sida ku cad qodobka 80-aad ee dastuurka Jubbaland Gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorahooyinka Jubbaland ayaa xaq u leh qabashada doorashooyinka golayaasha deegaaanka, Baariamaanka iyo Madaxtooyada” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka ka soo baxay Maamulka Jubbaland.

Sidoo kale, Jubbaland ayaa dowladda Federaalka ku eedeysay in ay diiday raadinta maamulada maqan ee Puntland iyo SSC Khaatumo, balse hore Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa ugu baaqay Maamulada ka maqan shirka in ay ka soo qeyb galaan.

War-saxaafadeedka ka soo baxay maamulka Jubbaland ayaa ku soo aadaya xilli war-murtiyeedka laga soo saaray Shirka Golaha Wadatashiga Qaran lagu go’aamiyay in dalka ka dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah, isla markaasna la isku raacay in bisha Septembar ee sannadka soo socda la qabto Doorashada Maamul Goboleedyada dalka.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka Jubbaland