Joe Biden oo sheegay in uu caafimaadkiisa wanaagsan yahay kaddib markii uu ku turantarooday Colorado.

0
172

Joe Biden oo sheegay in uu caafimaadkiisa wanaagsan yahay kaddib markii uu ku turantarooday Colorado.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in caafimaadkiisu wanaagsan yahay kaddib markii uu ka turan-tarooday Jaran-jarada Hool uu uga qaybgalay Xaflad ay ku qallin-jebinayeen Arday ka baxday Kulliyadda Ciidanka Cirka.

Biden ayaa sheegay in uu ku kufay Boorso goobta taallay isaga oo damacsanaa in uu ka dego masraxa si uu dib ugu laabto goobtii uu fadhiyay, waxaana baraha Bulshada ku faafay Madaxweynaha 46aad ee Mareykanka oo turan-turaanayo.

Markii uu dib ugu laabtay Aqalka Cad ayuu Warbaahinta la hadlay isaga oo sheegay in aanay waxba kasoo gaarin ama dareemeyn xannuun kasoo gaaray kolkii uu ku dhacay Hool ku yaalla magaalada Colorado Springs ee Gobolka Colorado.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa dhammaadkii November 2020 lugta ka jabay isaga oo la ciyaarayay Eeygiisa, dib usoo xusuusashada dhacdadaan ayaa timid kaddib markii uu shalay ku kufay masrax ku yaalla Colorado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here