Joe Biden oo cafis u fidiyay Wiilkiisa Hunter oo dambiyo kala duwan loo heystay

0
27

Joe Biden oo cafis u fidiyay Wiilkiisa Hunter oo dambiyo kala duwan loo heystay

Madaxweynaha xilka Maraykanka kasii degaya ee Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in uu cafis u fidiyay wiilkiisa Hunter oo loo heystay kiisas kala duwan sida adeegsiga hub, qabatinka Daroogo iyo kiisas kale oo sababay in waaxda Caddaaladda Dalkaas qabsato.

Waxaa kale oo loo heystaa in uu been abuur ku sheegay in xog-wareysigii lala yeeshay ee la xiriiray hubinta hub sharci darro ah oo uu heystay, sidoo kale canshuurta Dowladda oo is dabamarin ku sameeyay ayaa loo qabsaday.

Joe Biden oo horay u sheegay in uusan faragelin doonnin go’aanka Waaxda Caddaaladda Maraykanka balse markii uu cafiskaan u fidinayay wiilkiisa uu sheegay in aanay ka dhigneen in uu meel iska dhigay go’aankiisii hore.

“Maanta waxaan saxiixay cafis aan u fidiyay wiilkeyga Hunter. Maalinti aan xafiiska imid, waxaan dhahay, ma faragelin doono go’aannada Waaxda Caddaaladda, hadalkeygi marna ma aanan baddalin, xitaa aniga oo arkaya wiilkeyga si gaar ah loo soocday, isla markaana loo maxkamadeynayo si aan caddaalad aheyn.” Ayaa lagu yiri bayaanka Aqalka Cad ee Maraykanka kasoo baxay.

Hunter Biden ayaa loo heystaa in uu lunsaday ama bixin waayay lacag dhan $1.4 milyan oo dollar, 16ka Bishaan ayaa ayuu wajihi lahaa Maxkamad balse sida Dastuurka Dalkaas uu qabo Madaxweynaha haddii uu cafis u fidiyo waa laga baajin doonnaa Maxkamaddaas