Itoobiya oo ku dhawaaqday in la dhammeystiray biyo-xireenka Webiga Nile

0
22
This grab taken from video shows Grand Ethiopian Renaissance Dam in the Benishangul-Gumuz region, Ethiopia, Feb. 20, 2022. (AP Photo)

Itoobiya oo ku dhawaaqday in la dhammeystiray biyo-xireenka Webiga Nile

Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah u shaacisay in la dhameystiray mashruuca weyn ee Biyo-xireenka Webiga Buluugga ah ee Nile, mashruuc muddo dheer khilaaf ka dhex abuurayay dalalka dariska ah ee Masar iyo Suudaan.

Biyo-xireenka, oo loogu magac daray Biyo-xireenka Horumarka Qarniga, ayaa laga bilaabay dhismahiisa sanadkii 2011 iyadoo miisaaniyaddiisu ahayd $4 bilyan.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa dhameystirka mashruuca, ku tilmaamay fursad wadaag ah oo aan ahayn halis.