Itoobiya oo gacanta ku dhigtay hub, rasaas & raggii watay

0
387

Itoobiya oo gacanta ku dhigtay hub, rasaas & raggii watay

Ciidanka Booliska Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen hub farbadan oo ah nooca fudud oo si qarsoodi ah loo geliyay Magaaladaas, kadib markii ay ka warheleen hubka Hay’addaha amniga.

Warbixin ay soo saareen Booliska Addis Ababa ayey ku sheegeen in hubka lagu soo dhex qariyay gaari, loona ekeysiiyay agab oo markii hore loo mareynayay budo la shiiday, waxaana hubkaas ka koobnaa BKM, Biskoolado iyo 5 kun oo Rasaas kala duwan ah.

Saraakiisha Booliska ayaa tilmaamay in sidoo kale gacanta lagu dhigay laba rag ah oo gudbinayay hubka la geliyay Magaalada, isla markaana xusay in hubkaas uu sharci darro ahaa, hayeeshee laga hortegay.

“Hubka la qabtay ayaa isugu jiray 2 (BKM), 38 Bistoladaha waawayn iyo 25 Bistoolado yaryar, 5992 rasaasta Qoriga Akaha, 898 rasaasta Bistooladaha, 5 rasaasta Qoriga daba-miinshaarka, iyo agabyada Qoryahaa” ayaa lagu yiri Warbixinta lasoo saaray.

Saraakiisha amniga Magaalada Addis Aba bee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’addaha amniga Magaalada, si looga hortego waxyaabaha sharci darrada ah ee lasoo geliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here