Isreeb-reebka koobka Qaramada Afrika & Xulka 17 jira Soomaaliya galay qaanadda (A)

0
6

Isreeb-reebka koobka Qaramada Afrika & Xulka 17 jira Soomaaliya galay qaanadda (A)

Waxaa maanta la sameeyay isku aadka tartanka Isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika ee Da’yarta jirta 17ka sano, waxaana xulka Soomaaliya uu galay qaanadda koowaad (A) isaga oo kahortagi doonna Ethiopia, Kenya, South Sudan & Rwanda.

 

Da’yarta Soomaalida oo tartamadii lasoo dhaafay wacdaro muujiyay ayaa diyaargarow xooggan u galay sidii uu dhibco wanaagsan uga heli lahaa xulalka ay wajahaan kaddib isku aadka maanta la sameeyay ee afarta ah.

 

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa dhiirrageliyay Ciyaartoyada, Macallimiinta iyo cid weliba oo ka shaqeyneysa sidii dhallinyaradaan ay guullo muhiim ah u gaari lahaayeen isla markaana meelo wanaagsan gaarsiin lahaayeen astaanta ay wataan.

 

Soomaaliya oo sidoo kale loogu yeero Xiddiga Badweyne haddii ay hesho dhibcaha laga doonayo xulka soo gudbaya waxa ay ciyaartoydu usii gudbi doonnaan wareegyada kale ee tartanka oo kasii xamaasad badnaan doonno heerkaan.