Israaiil oo Haween & Carruur ku xasuuqday Isbitaal ku yaalla Gaza.

0
128

Israaiil oo Haween & Carruur ku xasuuqday Isbitaal ku yaalla Gaza.

Ciidanka Israaiil ayaa duqeyn xooggan ku garaacday Isbitaalka Al-Ahli Baptist ee Magaalada Gaz ku yaalla waxaana ku dhintay ugu yaraan 500 oo ruux oo u badan Haween iyo Carruur halka ay dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Muuqaallo iyo Sawirro Argagax leh oo laga qaaday Isbitaalka waxaa ka muuqday Carruur waxyeello xooggan kasoo gaartay duqeynta arxandarrada ah ee Yuhuuddu ku garaacday Isbitaalkaan oo lagu daweynayay Dad ay horay usoo dhawaceen Israaiil.

Waddamada Carabta ayaa si xooggan u cambaareeyay iyaga oo ku tilmaamay in Israaiil ay weli ku raad-joogto xasuuqa ay u geysaneyso Falastiiniyiinta waxaana ay ku sifeeyeen weerarradaas kuwo isir sifeyn ah oo ay rabto in ay ku baabi’iso Falastiin.

Waxa ay soo jeediyeen in lala xisaabtamo Israaiil iyo Dalalka Xulufada la ah ee ku garab-taagan hubka xooggan ee ay ku gumaadeyso Falastiiniyiinta iyo go’aankii Dadka reer Gaza ay uga jartay Cuntada, Biyaha & Korontada oo Iyana dambi culus ah.

Falastiin ayaa ku goodisay in ay ka aargudan doonto Weerarrada Israaiil ay ku beegsaneyso Goobaha Caafimaadka, Iskuullada wax lagu barto, Xeryaha Barakacayaasha iyo goobo kale oo dadka rayidku degen yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here