Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad u taagan doorashada Madaxweynaha Jabuuti

0
314

Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad u taagan doorashada Madaxweynaha Jabuuti

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shaaciyay inuu ka qeyb geli doono tartanka doorashada Madaxweynaha ee dalkaas ka dhaceysa bisha April 2021.

Madaxweyne Geelle ayaa markii shanaad u taagan xilka, iyadoo markii afaraad ee uu ku guuleystay xilka ay aheyd bishii April sanadkii 2016.

Ismaaciil Cumar geelle ayaa xilka loo doortay 9 bishii April 1999, waxaana uu xukunka hayaa muddo 21 sano ah.

Mucaaradka Jabuuti ayaa horay ugu eedeeyay Madaxweynaha Jabuuti inuu ku shubtay doorashooyinkii hore ka dhacay dalkaas.

Hadal heyn kala duwan ayay sababtay ku dhawaaqida Madaxweyne Geelle ee ah inuu markii shanaad u tartamayo xilka Madaxtinimada Jabuuti, iyadoo la saadaalinayay in aanu tartami doonin markii shanaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here