Iran Oo Hal Sabab Darteed u Xirtay Internetka iyo Faa’iido Laga Helay
Dowladda Iran, ayaa adeegii internetka ee dalkaasi hawada ka saartay labadii maalin ee lasoo dhaafay, kaddib markii ay kordheen weerarada dhinaca cirka ah ee Israa’iil ka geesaneyso bartilmaameedyo muhiim ah oo kuyaalla gudaha dalkaasi.
Sirdoonka Israa’iil, ayaa gudaha Iran ku sameestay xubno badan oo si toos ah ula shaqeenaya, kuwaa oo lasoo wadaagayay xogaha xubnaha muhiimka ah ee katirsan ilaalada Kacaanka, iyo sidoo kale xarumo muhiim ah si loo duqeeyo.
Wakaaladda wararka Iiran, ee Tasnim, ayaa ku warrantay in ay yaraadeen weeraradii dhinaca cirka ah ay fulinayeen Israa’iil tan iyo markii la xiray adeegga internetka, waxa ayna wakaaladdu sheegtay in isbeddel la dareemayay tan iyo markii internetka la xiray.
Waxaa hoos u dhacay weerarradii ay gudaha Iiran ka fulinayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil, oo si weyn ugu tiirsanaa adeegga internet-ka si ay u diraan xogta ay arkaan, isla markaana loogu hago bartilmaameedyada gudaha Iiran.
Dowladda Iran markii ay jartay adeegii internet-ka ,waxaa yaraaday oo meesha ka baxay xiriirkii u dhexeeyay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee weerarada fulinayay iyo xarumihii sirdoonka ama ciidamada Israa’iil , taas oo wiiqday weeraradii Israa’iil fulineysay.
Ciidamada amaanka Iran, ayaa sidoo kale baadigoob ugu jira xubno la tuhmayo in ay la shaqeenayaan sirdoonka Israa’iil, kuwaa oo gacan ka geestay weerarada Israa’iil fulineyso iyo dilal loo geestay taliyaal, masuuliyiin iyo sidoo kale khubaro waa weyn.