Iran oo digniin iyo hanjabaad adag hawada u marisay Israa’iil

0
47

Iran oo digniin iyo hanjabaad adag hawada u marisay Israa’iil

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Abbas Araghchi, ayaa uga digay maamulka Israa’iil weerar aargudasho ah oo dalkooda kusoo qaadaan, waxa uuna ku hanjabay in weerar kasta oo nuga yimaada dhinaca Israa’iil ka bixin doonaan jawaab adag .

Waxa uu sheegay wasiirka in Israa’iil aysan tijaabin go’aanka xukuumadda Tehran, iyadoo ay jiraan warar sheegaya suurtagalnimada weerarro millatari oo looga aargudayo gantaallada Iran ay ridday usbuucii hore gadaha Israa’iil..

“Gantaaladayadu waxay gaari karaan dhammaan bartilmaameedyadooda. Waxaan ka jawaabi doonnaa weerar kasta oo lagu soo qaado hay’adahayada ama kaabayaashayada,” ayuu yiri Araghchi intii lagu guda jiray shir looga hadlayay saameynta weerarkii 7-dii Oktoobar ee Xamaas ay ku qaadday Israa’iil.

Waxa uu sheegay in Iran ay sii wadi doonto taageerada ay siiso qadiyadda Falastiin si ay u dhistaan ​​dowlad u gaar ah. Isagoo ka hadlayay duqeynta ay Israa’iil ku dishay hoggaamiyihii Xisbullah Xasan Nasrallah, ayuu Wasiir Araghchi sheegay in “iska caabinta” Israa’iil aysan ku salaysneyn qof.

Dowladda Iran ayaa heegan buuxa ugu jirta sidii ay uga hortagi laheyd weerar kasta oo kaga yimaada dhinaca maamulka Israa’iil, waxaana jirta cabsi laga qabo in Israa’iil qorsheeneyso in weerar aargudasho ah ku qaado dalka Iran.