In kabadan 932 Dukaan oo ku basbeeleen dabkii xalay ka kacay Suuqa Jigjiga

0
228

In kabadan 932 Dukaan oo ku basbeeleen dabkii xalay ka kacay Suuqa Jigjiga.

Xukuumadda dowladda deegaanka Soomaalida ayaa shaacisay dabkii ka kacay Suuqa weyn ee Magaalada Jigjiga in ay ku basbeeleen 932 Dukaan iyo dhammaan hantidii tiilay, xilli uu booqasho ku tagay Madaxweynaha dowlad deegaanka Mustafe Muxummed Cumar.

Subaxnimadii hore ee maanta ayaa lagu guuleystay in lasoo afjaro dab xalay ka kacay suuq weyn oo ku yaal magaalada Jigjiga ee xarunta Dawlad Deegaanka Soomaalida kaas oo geystay khasaara badan oo aan weli la tira koobin.

Madaxweynaha dowladda deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar oo ay weheliyaan masuuliyiin heer fadaraal iyo deegaan isugu jira ayaa sida lagu sheegay warbaahinta dowlad deegaanka waxay gaareen suuqa magaalada Jigjiga ee xalay gubtay

Madaxda dowlad deegaanka Soomaalida ee booqatay Suuqa ayaa sheegay in dowlada ay baaritaan ku sameeneyso, iyada oo uu Madaxweynaha maamulkaas uu sheegay in dowlad ahaan taageeri doonaan dadka ku hanti waayey suuqa.

Waxaa xalay suuqa usoo gurmaday dadweynaha magaalada Jigjiga iyo sidoo kale gurmad kasoo gaaray magaalooyinka soomaalida ee deegaanka iyo meela kale. Duqa magaalada Hargeysa ayaa keenay ciidan iyo gaadiid gurmad ah isaga oo Jidjiga yimid xalay.

Si kastaba ilaa hada lama oga waxa sababay dabkan xalay ka kacay suuqa Taiwaanka magaalada jigjiga iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkan. Dawladu ayaa sheegtay in la sameynayo baaritaann.

Gurmad ka tagay Magaalada Hargeysa uu una hoggaaminayo Maayarka Caasimadda Soomaaliland Cabdikariin Mooge oo gaaray Suuqa gubtay ayaa sheegay in ay gurmad u fidiyeen ganacsatada ku hanti beeshay Suuqa, waxa uu sheegay in ay qeyb ka ahayeen gurmad lagu daminayo dabka.

Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa siyaabo ka kala duwan uga hadashay iyaga oo codsaday in baaritaan lagu sameeyo sababta keentay gubashada Suuqyada ugu Waaweyn dalka, iyaga oo sii sheegay in isku waqti ay gubashadooda ku soo beegmatay taas oo ah habeen Jimco ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here