Imaamka Azhar Al-Shariif “Carruurta Gaza ay ku dilayaan Israa’iil ee lagu eeganayo waa Duni Caddaaladda ka dhammaatay”

0
24

Imaamka Azhar Al-Shariif “Carruurta Gaza ay ku dilayaan Israa’iil ee lagu eeganayo waa Duni Caddaaladda ka dhammaatay”

War kasoo baxay Al-Azhar Shariif ayaa looga falceliyay dhibaatooyinka xooggan ee Ciidanka Israa’iil ka geysanayaan Magaalada Gaza iyaga oo si gaar ah u beegsanaya Goobaha gabbaadka u ah Carruurta, Haweenka & Dadka kale ee u nugul xaaladaha adag ee Magaaladaas ka jira.

Bayaanka Al-Azhar ayaa lagu sheegay in dhibaatada ka jirta Magaalada Gaza aanay ku koobnaan doonin Magaaladaas balse ay noqon doonto dhibaato ku faafta dunida inteeda kale haddii aan si degdeg ah looga garaabin.

“Carruurta & Dadka kale ee lagu dhibaateynayo Magaalada Gaza isla markaana lagu daawanayo waxa ay muujineysaa dunida caddaaladda ka dhammaatay, waa in si degdeg ah xal loogu helaa oo lagu joojiyaa dagaalkaas socda” Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Azhar Al-Shariif.

Sheekh Axmed Tayib oo ah Imaamka Al-Azhar Al-Shariif ayaa intaas kaddib waxa uu Dalalka Islaamka iyo kuwa Carabta usoo jeediyay in ay u istaagaan dabaqabadka reer Falastiin oo dhibaato adag ay ku hayaan ciidanka Israa’iil.

Waxaa sii kordhaya baaqyada kala duwan ee lagu xoojinayo in lasoo afjaro colaadda ka jirta bariga dhexe gaar ahaan Dhulka Falastiin, Israa’iil oo dhibaato kala duwan kasoo gaaray weerarkeeda gardarrada ah ayaa markaan u jiheysatay dhabbaha wadahadalka.

Waddamo badan ayaa indhaha ka daawanaya xaaladda adag ay dhex maquuranayaan Dadka Falastiin, Dagaal aan dhammaad lahayn, go’doomin culus, goobihii caafimaadka oo aan shaqeyneen, cunnadii u gudbaysay oo laga hor istaagay & kuwo kale.