Iiraan oo sheegtay in aysan joojin doonin horumarinta Barnaamijkeeda Nukliyeerka

0
10

Iiraan oo sheegtay in aysan joojin doonin horumarinta Barnaamijkeeda Nukliyeerka

Shir Jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Madaxa Hay’adda Tamarta Nukliyeerkaa u qaabilsan Qaramada Midoobey iyo Agaasimaha Barnaamijka tamarka ee dalka Iran, ayaa lagu sheegay in Iiraan ay sii wadi doonto horumarinta barnaamijkeeda Nukliyeerka oo ay ku ilaalinayso danaheeda Qaran.

Sidoo kale, Dowladda Islaamiga ah ee Iraan ayaa sheegtay in ay si joogto ah u muujineyso in aysan u hoggaansami doonin cadaadiska dibadda kaga imaaanaya gaar ahaan dalalka xulufada la ah Israel oo ugu horeeyo Mareykanka, iyada oo ku adkeysatay in ay sii wadi doonto horumarinta barnaamijkooda Nukliyeerka.

“Go’aan kasta oo ku saabsan arrimaha Nukliyeerka Iran wuxuu dhalin doonaa jawaab degdeg ah. Waxa ayna marar badan arkeen in Iran aysan saameyn ku yeelan doonin cadaadiska oo ay sii wadi doonto barnaamijkeeda iyada oo ku saleyneyso danaha qaranka,” ayuu yiri Madaxa Nukliyeerka ee Iran.

Quwadaha reer Yurub ayaa lagu soo waramayaa inay doonayaan in Golaha Ammaanka u soo jeediyaan cadaadis cusub oo la saari doono dowladda Iiraan, kaasi oo looga hortago in ay Nukliyeer sameysato.

Madaxa Hay’adda Nucliyeerka ee Qaramada Midoobey ayaa ku tilmaamay booqashadiisa Tehran mid muhiim ah, xilligaan oo xaalad cakiran ay ka taagan tahay Bariga Dhexe.