Iiraan oo duqeymo ka fulisay gudaha Israa’iil
Warbaahinta Israel ayaa shaaciyay in tirada khasaaraha ka dhashay weerarradii gantaallada ee Iiraan ay korortay.
Xogihii u dambeeyay ayaa tilmaamaya in laba ruux ay ku geeriyoodeen, halka ugu yaraan 19 qof lagu dhaawacay duqeyn gantaal oo Iran ka geysatay bartamaha Israel.
Weerarkan ayaa qeyb ka ah aargoosi ay Iran ku qaaday Israel, kadib Israel ay gantaalo la beegsatay goobo rayid iyo xarumo nukliyeer oo ku yaalla magaalada Tehran.
Weeraradaasi ayaa sababtay dhimashada tobanaan qof oo ay ku jireen saraakiil sare iyo saynisyahanno nukliyeer, halka boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.
Xiisadda Iiraan iyo Israel ayaa sare u kacday, iyada oo dunida ku baaqeyso in dhinacyada is dajiyaan.