Iiraan oo dalalka gacanka carbeed ku eedeeysay weerar ka dhacay Ahvaz

0
807

Iiraan oo dalalka gacanka carbeed ku eedeeysay weerar ka dhacay Ahvaz

Hogaayiha ruuxiga ah ee dalka Iiran, Ayatollah Khamenei ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday meel ay gaado ka cayaar kus oo bandhigayeen militariga Koonfurta galbeed ee dalkaasi uu ahaa weerar lala xiriirinayo saaxibada ama xulufada uu Mareykanka ku leeyahay gobolka.

Mr Khamenei ma carab baa’bin “wadamada gobolka” ee uu aaminsan yahay in ay weerarka ka dambeeyeen.

Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhimatay toboneeyo kalana way ku dhaawacmeen ka dib markii rag hubaysan ay rasaas ku fureen magaalada Ahvaz.

Askarta ayuu markii uu weerarkaasi dhacay ku cararay goobo ay gabaad ku dhigtaan halka dadka rayidka ahaa ay naftooda la baxsadeen.

Waxaa sidoo kale weerarka ku dhintay afar ka tirsan kooxaha mintidiinta.

Koox maxali ah oo asalkoodu Carab yahay oo gooni u goosad ah ayaa sheegtay masuuliyada weerarkan.

Wararka ayaa sheegaya in kala bar dadka weerarka ku dhintay ay ahaayeen ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan.

Waxaa sidoo kale masuuliyada weerarka sheegatay kooxda la baxday dowladda Islamka.

Wasiirkii arrimaha dibadda ayaa u muuqday in uu farta ku fiiqanayay in dadka weerarka gaystay ay soo hubeeyeen Israa’iil ama wadamada ay xulufada yihiin Mareykanka ee gobolka gacanka sida Sacuudiga.

Magaalada Ahvaz ayaa kamid ah magaalooyinkii ugu dambeeyay ee dalkaasi oo ay ka socdeen dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda oo ay shacabka uga cabanayeen sicir barar iyo qiimaha badeecadaha oo sare u kacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here