HOLAND : Muslimiinta oo ka naxay Doorashada ninkii ku baaqay in Netherlands laga mamnuuco Kitaabka & masaajidda.

0
123

Muslimiinta oo ka naxay Doorashada ninkii ku baaqay in Netherlands laga mamnuuco Kitaabka & masaajidda.

Muslimiinta waddanka Holland ayaa khamiistii muujiyay naxdinta doorashadii uu ku guuleystey siyaasiga midigta fog ee Geert Wilders, kaas oo horey ugu baaqay masaajidda iyo Qur’aanka Kariimka ah in laga mamnuuco Holland.

Wilders iyo xisbigiisa Freedom Party (PVV) ku guuleystay 37 kursi oo ka mid ah 150-ka kursi ee Baarlamaanka dalkaas, iyagoo si aad ah uga horreeya isku darka xisbiyada Labour/Green iyo xisbiga bidixda ee Ra’iisul Wasaaraha xilka ka degaya Mark Rutte.

“Natiijooyinkan doorashada waxay naxdin ku yihiin Muslimiinta Netherlands, ma aan fileyn in xisbi sidan oo kale ah oo leh barnaamij kasoo horjeeda mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga in uu noqdo mid aad u weyn,” ayuu yiri Muhsin Koktas oo ka tirsan ururka Muslimiinta ee CMO.

Muslimiintu waxay ka yihiin qiyaastii 5% dadka reer Holland oo ah ku dhawaad 18 milyan oo qof.

“Waxay ahayd dharbaaxo ay tahay inaan aqbalno,” ayaa u sheegay Reuters Abdessamad Taheri, oo ah 45-jir shaqaale bulsho ah oo ku nool xaafadda Schilderswijk ee qowmiyadaha badan ee The Hague.

Kadib guushiisii lama filaanka ahayd, Wilders waxa uu sheegay in uu doonayo in uu noqdo Ra’iisal Wasaare dhamaan dadka reer Holland, balse taasi waxa ay u muuqatay in ay wax yar ka qabanayso in ay dajiso walaaca laga qabo waxa uu hadhow samayn karo.

Isha: VOA SOMALI