Hogaamiyaha ugu sareeya Iiraan oo aan weli ka hadlin xabbad joojinta

0
23

Hogaamiyaha ugu sareeya Iiraan oo aan weli ka hadlin xabbad joojinta

Shalay ayay ahayd markii qaar ka mid ah saraakiisha sar sare ee Iiraan iyo golaha oo uu ku jiro madaxweynaha ay xaqiijiyeen xabad joojinta Iiraan iyo Israel.

Si kastaba ha ahaatee, weli ma jirto wax qiraal ah oo ka yimid shakhsiga loo arko inuu yahay qofka ugu awoodda badan dalka: Hogaamiyaha Sare ee Ayatullah Ali Khamenei.


Hogaamiyaha ugu sareeya ayaa inta badan leh go’aanka kama dambaysta ah ee arrimaha gobolka, waxaana indhaha gudaha iyo dibadda Iiraan ay diiradda saarayaan goorta uu ka hadli doono xabbad joojinta.

Khamenei ayaa lagu soo waramayaa inuu kasoo tagay hoygiisii ​​caadiga ahaa ee ku yaal bartamaha Tehran, waxaana uu hadda ku hoydaa meel ammaan ah, taasi oo aanay Iiraan xaqiijin.

Markii ugu dambeysay waxa uu ka soo muuqday telefishinka dowladda 18-kii June fariin horay loo sii duubay, taas oo uu ku diiday baaqii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ahaa “is dhiibitaanka shuruud la’aanta ah ee Tehran”.

In kasta oo akoonkiisa rasmiga ah ee barta X uu ahaa mid firfircoon ka hor xabbad joojinta, laguma arag meel fagaare ah tan iyo markii Israa’iil ay weerar ku qaadday Iran 13-kii Juun, markaas oo farriin kale oo horay loo duubay la sii daayay ka dib weerarka.

Muuqaalaladii ugu dambeeyay ee lagu arko isaga oo meel fagaare ah ku sugan ayaa u danbeysay 11-kii June, xilli uu la kulmayay xubno ka tirsan baarlamaanka Iiraan.