Halkee lagu aasaya Hoggaamiyihii Xamaas, Ismaciil Haniyah?

0
60

Halkee lagu aasaya Hoggaamiyihii Xamaas, Ismaciil Haniyah?

Waxaa socda qaban qaabada aaska hoggaamiyihii garabka siyaasadda ee ururka Xamaas, Ismaaciil Haniyah oo lagu dilay duqeyn ka dhacday magaalada Tehraan ee Caasimadda dalka Iiraan.

Madax uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha ruuxiga Iiraan, Aayatulah Cali Khamani ayaa ka qeyb galaya Salaadda Janaasada oo lagula tukan doono fagaare ku yaalla magaalada Tehraan.

Ka dib, waxaa lagu wadaa in loo qaado magaalada Dooxa ee ee dalka Qadar, halkaasi oo lagu aasi doono, sida ay xaqiijiyeen ehelka iyo dadka wada qaban qaabada.

Boqolaal shacab ah ayaa ka qeyb galaya salaadda Janaasadda iyo aaska Ismaaciil Haniyah oo la tilmaamo inuu xubin firfircoon ka ahaa dhaqdhaaqa xurnimo doonka ee reer Falastiin.