Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland oo loo doortay Sheekh Cabdi Maamed C/raxmaan

0
487

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland oo loo doortay Sheekh Cabdi Maamed C/raxmaan

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Jubbaland ayaa maanta Magaalada Kismaayo waxa ay ku doorteen Gudoomiyaha Baarlamaanka labaad ee Maamulka Jubbaland.

Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maamulka Jubbaland ayaa dib loo doortay kadib markii uu helay codad dhan 55 Cod.

Xuseen Shiinow Cali oo ahaay Musharaxa kale ee la tartamaayay Sheekh Cabdi ayaa isagana helay codad dhan 18 Sida uu ku dhawaaqay Ninka ugu da,da wayn Baarlamaanka Jubbaland oo ku Simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ahaay.

Xildhibaanada codeynaayay ayaa waxa ay gaarayaan illaa 73 Xildhibaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland ayaa lagu dhaariyay madasha doorashada ay ka dhacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here