Golaha Ammaanka QM Oo Kulan Xasaasi Ah Ka Yeelanaya Warbixin Laga Gudbiyay Soomaaliya

0
503

Golaha Ammaanka QM Oo Kulan Xasaasi Ah Ka Yeelanaya Warbixin Laga Gudbiyay Soomaaliya

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa ay shir Xasaasi ah ka yeelanayaan Warbixin Soomaaliya laga gudbiyay, taasi oo xanbaarsan xog Culus oo Soomaaliya ay ka aruuriyeen Khubaro sare.

Waxaa lagu ballansan yahay Maanta oo Taariikhdu ku beegan tahay 15-10-2020-ka in la dhagaysto xogta loo gudbiyay Qaranmada Midoobay, waxaana Xogta ka mid ah isku Milanka Al-shabaab iyo hay’adaha dowladda, iyadoo xogtaan lagu sheegay in Al-shabaab ay lacag farabadan ay ka arruursadaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Waxaana Khubarada warbixintaan diyaariyay uu fadhigoodu yahay Magaalaad Nairobi ee Caasimadda Kenya, waxana tirada Khubarada warxintaan diyaariyay tiradoooda lagu sheegay in ay tahay Lix Khabiir, kuwaas oo waajibadkoodu yahay in ay dabagal ku sameeyaan isku dhexmilanka Al-shabaab iyo Nidamka Maaliyadeed ee Soomaaliya.

Warbxinta oo ah mid dhinacyo badan taabanaysa ayaa waxaa lagu xusay in Al-shabaab ay leeyihiin Ganacsiyo waaweyn iyo Maalgashiyo ballaaran oo Al-shaabaab ay ku leeyihiin gudaha Soomaaliya, waxaana warbixinta lagu sheegay in Al-shabaab ay Bangiyada dalka ay lacago dhigtaan, taasi oo marka ay doonaan ay kala baxaan, waxana sidoo kale la xusay in Al-shabaab ay maalgashtaan Ganacsiyo maxali ah oo ka shaqeeya Gudaha dalka.

Intii u dhaxaysay December 2019 ilaa Augusto 2020 ayaa Al-shabaab waxaa ay gacanta ku dhigeen 13 milyan oo Doollar, waxaana warbixnta lagu sheegay in 128 Rasiit lagu sameeyay Baaritaanno, kuwaas oo dhamamantood caddeynaya Macaamiiltanka Al-shabaab ay la leeyihiin ganacsiyada dalka ka jira oo ay ugu horreeyaa Bangiyada iyo Ganacsiyo badan oo ay maalgashteen.

Wargeyska xogtaan faafiyay oo lagu magacaabo New York Times ayaa sheegay in Al-shabaab ay sidoo kale ay lacago badan ka sameeyaan jid gooyooyinka iyo Candhuuraha ay ka qaadaan ganacsatada.

Dowladda Soomaaliya ayay tani waxaa ay ku tahay dhabar jab xooggan, waxaana lagu dhaleecaynayaa in Caasimaddii dalka oo ay gacanta ku hayso ay Al-shabaab si fudud daqli farabadan kaga sameeyaan, waxaana horay tira dhowr ah la sheegay in Al-shabaab iyo Nidaamka Maaliyadeed ee dalka ay isku milmeen, inkastoo aysan jirin caddeymo lasoo bandhigay, balse Baaritaanka khubarada Qaramada ayaa waxaa ay taahy sida la sheegay in xambaarsan xog aad u culus oo dhinacyo badan taabanaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here