Golaha Ammaanka ee QM oo maanta kulan ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya.

0
339

Golaha Ammaanka ee QM oo maanta kulan ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in maanta ay kulmaan, si ay u yeeshaan kulan xog-wareysi ah, ka dibna ay ku xigto wadatashiyo xiran, oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya, iyada oo la filayo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu golaha warbixin ka siiyo golaha xaaladaha siyaasadeed iyo amni.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta, Sheikh Shakhboot Bin Nahyan Al Nahyan, ayaa shir guddoomin doona kulanka. Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Catriona Laing, oo dhawaan xilalkeeda cusub kula wareegtay magaalada Muqdisho, ayaa warbixin kooban ka bixin doonta.

Xubnaha kale ee warbixin kooban ka bixinaya ayaa la filayaa in ay ka mid yihiin Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) u qaabilsan Soomaaliya iyo madaxa howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Danjire Mohamed El-Amine Souef, iyo Cindy McCain oo dhawaan loo magacaabay Agaasimaha Fulinta ee WFP. .

Gunaanadka kulanka ayaa la filayaa in laga soo saaro wax ku ool ah oo ku aadan xaalada Soomaaliya iyo talaabooyinka lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasiloonida, iyada oo qaar ka mid ah Maamul Gobaleedyada ay ka taagan yihiin Siyaasado isdiidan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here