Garsoore Cabdiqawi Axmed oo iska casilay xubinimada ICJ
Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ayaa si rasmi ah u shaacisay in Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf uu is-casilaaddiisa u gudbiyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, taasoo dhaqan geli doonta 30-ka Sebteembar 2025.
Garsoore Cabdulqawi Yuusuf, oo kamid ahaa garsoorayaashii ugu mudada dheeraa ICJ, wuxuu maxkamadda kasoo noqday Xubin, Madaxweyne ku-xigeen, ilaa uu noqday Madaxweynaha Maxkamadda intii u dhaxaysay 2018–2021.
Intii uu xilka hayay, wuxuu door ka qaatay garsoorka caalamiga ah, isagoo si gaar ah loogu xasuusto dedaalkiisa difaaca Badda Soomaaliyeed ee kiiska dalkeena kala dhaxeeyay Kenya.
Bayaan kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in is-casilaadda Garsooraha ay tahay mid shakhsi ah, isaga oo uu aqbalay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres.
Garsoore Cabdulqawi ayaa la ka mid ahaa aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ugu saameynta badan xagga sharciga caalamiga ah.