Ganacsiga Xaafadda Islii oo xiran ka dib Dilka Hooyo iyo laba Gabdhood oo Soomaali ah

0
21

Ganacsiga Xaafadda Islii oo xiran ka dib Dilka Hooyo iyo laba Gabdhood oo Soomaali ah

Maanta, goobaha ganacsiga ee Xaafadda Islii ee Nairobi ayaa xiran, kadib dil argagax leh oo loo geystay hooyo iyo laba gabdhood oo Soomaali ah oo ka dhacay magaaladaasi.

Meydadka gabdhaha ayaa laga helay qaybo kala duwan oo magaalada Nairobi, halka hooyadana laga helay magaalada Machakos, oo 61 kiilomitir u jirta Nairobi.

Bulshada Soomaalida ee Islii ayaa carro ka muujiyay dilkaan, waxaana ay sheegeen in falkaasi argagaxa leh yahay mid ka fog islaamnimada iyo binu aadanimada.

Qaar kamid ah Mas’uuliyiinta Soomaalida Kenya ayaa u tagey qoyska ay dhibaatada soo gaartay.

Xildhibaanka deegaanka Kaama-kunje, Yuusuf Xasan, ayaa sheegay in caddaalad loo baahan yahay, isla markaana laamaha amniga ay ku howlan yihiin baaritaanka dhacdadan.

Booliiska Kenya ayaa sheegay ay weli wadaan howlgallo lagu baadi goobayo kooxdii dishay hooyada iyo labadeeda gabdhood.