Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika+SAWIRO

0
679

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika+SAWIRO

Kooxo burcad hubeesan ayaa xalay ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabayay Hilaal Xersi Jaamac, waxa ay ku dileen xaafad lagu magacaabo Hanover Park oo hoos tagta Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Burcada ayaa la sheegay in rasaas xoogan  ku fureen gancsadahan Soomaaliyeed kadibna goobta uga tagay isaga oo meyd ah, waxaana dilka kadib goobtaasi soo gaaray ciidamo katirsan booliiska Koonfur Afrika kuwaa oo baaritaano sameeyay.

Ganadsadaha la dilay ayaa sanado badan kunoolaa dalka Koonfur Afrika uu kulahaa xarumo ganacsi, waxa uuna ganacsadahan kamid ahaa dadka sida weyn looga yaqaan magaalada Cape Town.

Dalka Koonfur Afrika ayaa noqday goob si micno daro ah loogu dilo muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaana dalkaasi sanadihii lasoo dhaafay lagu dilay kumanaan Soomaali ah kuwaa aysan jirin cid dilkooda wax iska weediisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here