Faransiis-ka oo Kenya ka taageeraya la dagaalanka Urur ka Al-Shabaab

0
555

Faransiis-ka oo Kenya ka taageeraya la dagaalanka Urur ka Al-Shabaab

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ka dagay magaalada caasimada ah ee Nairobi halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta.

Macron iyo Uhuru ayaa kala saxiixan doono heshiisyo kala duwan oo la xiriira dhanka Ganacsiga iyo mashaariic maalgalineed oo Faransiiska ka fuliyo Kenya.

Dhanka kale waxaa la filayaa in labada mas’uul ay isla soo hadal qaadaan la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada iyo sidii Faransiiska uu gacan uga siin lahaa dagaalka Kenya ay kula jirto Ururka Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa marar badan waxay weeraro ka geysatay gudaha Kenya waxaana ku dhintay askar iyo dad rayid ah oo u dhashay dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here