Fanaanka Cabdi Cali Baacalwaan oo geeriyooday

0
345

Fanaanka Cabdi Cali Baacalwaan oo geeriyooday

Allaha u naxariistee Cabdi Cali Baacalwaan oo ka mid ahaa fanaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ahaa ayaa ku geeriyooday dalka Jarmalka.

Cabdi Cali Baacalwaan ayaa ka mid ah fanaaniintii heesahooda aadka loo jecelyahaw waxana uu ku luqeeyay heeso isugu jira kuwo wadani ah iyo kuwa jacaylka.

Allaha u naxariistee fanaanka Cabdi Cali Baacalwaan ayaa todobaadyadii la soo dhaafay xanuunsanayay iyadoo uu haleelay cudurka Covid-19 oo dad badan ugu dhintey caalamka.

Allaha u naxariistee Cabdi Cali Baacalwaan ayaa ku dhashay magaalada Wardheer ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia waxana uu ku biirey fanka Soomaaliyeed sanadkii 1965tii.

Sanadkan sii dhamaanaya 2020ka ayaa waxaa geeriyooday fanaaniin caan ka ahaa dalka Soomaaliya,waxaana ugu dambeeyay fanaaniinta geeriyootay Seynab Xaaji Cali Baxsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here