Fadhiga badan oo sababa Cudurrada ku dhaca Wadnaha & Xididada Dhiigga oo xirma!

0
183

Guryaha, xafiisyada iyo gadiidka, dadka waxay fadhiyaan waqti badan waana qeyb ka mid ah nolosha in la fariisto. Muddo dheer oo la fadhiyo waxay keeneysaa dhibaatooyin caafiaad oo halis ah sida cudurada wadnaha, xididada dhiigga iyo macaanka nooca labaad.

Jeremy Morris oo ah dhakhtar caafimaad ayaa sanadkii 1953-dii shaaca ka qaaday in darawalada basaska magaalada London ay labo jibaar ka badan yihiin in ay qaadaan cudurada wadnaha marka la barbadhigo karishbooyada. Sababta ayaana ah mid iska cad, waayo darawalada way fadhiyaan karisbooyadana way taagan yihiin oo baska ayey kor iyo hoos ugu socdaan.

Ilaa markii uu dilaacay cudurka Covid 19, in laga shaqeeyo xaafadaha ayaa caadi noqotay, taasina waxay kordhisay in wax badan la fadhiyo. Xafiisyada marka dadku yimaadaan waxay ku qaadan jirtay in ay soo safraan iyo in shaqada dhexdeeda ay ku socdaan balse marka guriga la shaqeynayo taasi meesha way ka baxday.

Marka wax badan la fadhiyo waxaa meesha ka baxaya dhaqanka firfircoonida. Fadhiga iyo jiifka waxaa hoos u dhaca tamarta qofka.

Inta badan dadku way fadhiyaan marka ay daawanayaan telefishinka ama ku ciyaarayaan ciyaaraha kombayuuterka. Sidoo kale kaxeynta gaariga waa la fadhiyaa. Arrimahaasina waxay keenaan cudurada ku dhaca wadnaha iyo xididada dhiigga.

Sanadkii 2020-kii waxay hay’adda caafimaadka adduunka WHO soo jeedisay tallaabooyin lagu yareynayo firfircooni la’aanta.

Sanadkii 2010-kii waxay cilmbibaarayaashu sheegeen in fadhiga iyo dhaqdhaqaaq la’aanta ay kala duwan yihiin. Jimicsi badan ayaad sameyn kartaa maalin kasta hadana wax badan ayaad fadhin kartaa. Kuwa aan wax jimic sameyn hadana fadhiya khatartooda aad ayey u sareysaa.

Cabdikaafi Axmed Cismaan (Kaafi-Allu) waa macalin dadka kala taliya caafimaadka jirkooda iyo nafaqooyinka uu u baahan yahay si ay u dhimmaan miisaanka, jirkoodana u noqdo mid caafimaad leh.

“dadka miisaanka badan uu saaran yahay ayaa u badan fadhiga, ugu dambeyn waxay ku keeneysaa in ay awoodi waayaan jimicsiga oo lafuhu xanuunaan, taasna ay sababto in ay dhibsadaan jimicsiga” ayuu yiri Kaafi Allu oo intaas ku daray.

“Waa in ay socod sameeyaan ama orod si ay dhibaatad u yaraato miisaankana uusan u sii badan”

Maxaa keena in fadhiga badan uu kordhiyo khatarta cudurrada wadnaha?

Dhibaatada waxay ka timaadaa xididdada dhiigga oo aan shaqeyneyn gaar ahaan lugaha. Nidaamka xididdada dhiigga waxay mas’uul ka yihiin wareegga dhiiigga kaas oo qeyb ka ah habka difaaca ee xididdada dhiigga.

David Dunstan waa khabiir cilmi-nafsiga waxa uu ka tirsan yahay machadka dhaqdhaqaaqa jirka iyo nafaqada ee jaamacadda Deakin ee dalka Australia. Wuxuu daraasad ku sameeyay in muddo dheer la fadhiyo iyo siyaabaha looga hortagi karo taas.

“Caalamadaha fadhiga waxaa ka mid ah in dhaqdhaqaaqa murqaha ay hoos u dhacaan” ayuu yiri Dunstan.

Marka ay yaraadaan dhaqdhaqaaqa murqaha waxay keeneysaa in ay sidoo kale yaraadaan isbeddelka unugyada ku soo saarayaan tamarta iyo macdanaha asaasisga u ah nolosha.

Wax badan oo la fadhiyo waxay keeneysaa in awoodda murqaha ay yaraadaan

Cilmibaaris lagu sameeyay 16 nin oo dhallinyaro ah oo caafimad qaba ayaa lagu ogaaday in saddex saacadood oo la fadhiyo ay kordhineyso in lugu dhiig ku ururaan. Cilmibaaris kalena waxaa lagu ogaaday in dhiig-karku kordhayo hadii wax badan la fadhiyo.

Cilmibaarayaasha waxay isku raaceen hadii al fadhiyo 120 to 180 daqiiqadood iyadoon la kaceyn in ay keeneyso cilidda xididada dhiiigga ah.

Hadaba maxaa keena in dadka ay wax badan fadhiyaan gaar ahaan dadka ku nool gudaha Soomaaliya oo ah meel kulul in la socdna aysan dhibaato aheyn.

Kaafi Allu wuxuu qabaa in dhiirogelin la’aanta ay sabab u tahay

“Dhiirogelin la’aan qofka kaga timaado dadka uu ku dhexjiro sida guriga iyo saaxiibada ayaa sabab u ah”

Waxa ugu muhiimsan ee dad badan lagula taliyo ayaa ah in ayan wax badan fadhin, xitaa saacadaha casriga ee ku shaqeeya farsamadii ugu dambeysay waxay qofka u sheegaan in uu fadhiga ka kaco hadii uu wax badan fadhiyo.

“Waxa ugu fudud uu qofka s

sameyn karo waa in uu wax badan socdo, socodka waa waxa ugu muhiimsan hadi uu miisaan ku saaran yahay iyo hadii uusan ku saarneyn, qof walba ayuu socodka muhiim u yahay”

Hadii aad fadhiso waqti dheer oo hadana aad qaadato cunto dufuntu ku badan tahay waxaa loo arkaa in ay taas khatar tahay.

Isha: BBC SOMALI