Faah Faahin:- Qarax Ka Dhacay Magaalada Baladweyne Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

0
389

Faah Faahin:- Qarax Ka Dhacay Magaalada Baladweyne Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Faah faahinno dheeraad ayaa kasoo baxaya qarax galabta ka dhacay Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana wararkii u danbeeyay ay sheegayaan in uu jiro Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhacay Qaraxaas galabta ka dhacay Magaaaladaas.

Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhintay halka labo kalena ay ku dhaacmeen qaraxa oo ahaa sida la sheegay in Miinada nooca dhulka lagu aaso, waxaana qaraxu uu si gaar ah uga Garoonka Kubadda Cagta ee Laqanyo Stadium oo ku yaalla bariga Magaalada Baladweyne ee Gobalka Hiiraan.

Qaraxa ka dib ciidamada ammaanka ayaa gaaray halka qaraxu ka dhacay waxaana ay xiren isku socodka guud aagga wax ka dheceen, wallow markii danbe xaaladdu caadi kusoo noqotay.

Garoonka ayaa waxaa maal-mahaan ka socday ciyaaro kubadda cagta ah oo loo qabtay naadiyo kala duwan, waxaana sida la sheegay ciyaaruhu ay marayen heerkodii ugu xiisaha badnaa, sidoo kale garoonka waxaa usoo daawasho tagi jiray dadweyne farabadan oo u imaan jiray si ay u dawadaan catyaaraha ka socda Garoonka Laqanyo Stadium.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here