Faah Faahin Kasoo Baxeysa Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Koonfur Afrika

0
403

Faah Faahin Kasoo Baxeysa Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Koonfur Afrika

Koox burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay Xaafad ka tirsan Magaalada Cape-Town ee dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatada kunool halkaas.

Allaha u naxariistee Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Muxudiin Macalin Cabdulle Nuur, waxaana dilkiisa uu ka dhacay afaafka hore ee goob ganacsi oo uu ku lahaa Xaafadda krafooniten Magalada Cape-Town.

Ragii hubeysnaa ee Burcada ahaa ayaa goobta ka baxsaday falka dib, waxaana durbo halkaas tegay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo goobta ka Agdhawaa, iyagoona ka qaaday Meydka Marxuumka.

Mid kamid ah dadka Soomaalida ah ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu sheegay in Marxuum Muxudiin Macalin oo kamid ahaa dhalinyarada firfircoon ee kunoolaa Xaafadda krafooniten Magalada Cape-Town, isagoo u dhintay xaddabo qeybaha sare ee jirka looga dhuftay.

Dilka Koonfur Afrika ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal loo geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee goobaha ganacsi ku leh dalkaas, iyadoona sanadkaan 2022 Koonfur Afrika lagu dilay Muwaadiniin dhowr ah oo Soomaali ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here