Erdogan;”Waan la wadaagnay codadka laga duubay dilkii Khashoggi Sacudi Carabiya”

0
711

Erdogan;”Waan la wadaagnay codadka laga duubay dilkii Khashoggi Sacudi Carabiya”

Madaxweynaha Turkiga President Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in codadkii laga duubay dilkii Jamal Khashoggi ay la wadaageen wadamada Sacudi Carabiya, United States, Germany, France iyo Britain.

Erdogan oo warbaahinta la hadlay kahor inta uusan u ambabaxin dalka Faransiiska oo ay ka dhacayso munaasabad lagu xusayo boqol sano guuradii ka soo wareegtay dhamaadkii dagaalkii 1aad ee dunida ayaa sheegay in Sacudigu uu ogyahay dilaagii Khashoggi uuna ku dhex jiro 15ka ruux oo yimid magaalada Istanbul saacado kahor intaan la dilin Khashoggii 2dii November.

“Waxaan siinay codadkii laga duubay, waxaan siinay  Saudi Arabia, to the United States, Germans, French iyo British dhamaan waa dhagaysteen wadasheekeysigii ka dhacayay markii la dilayay Khashoggi” ayuu yiri Erdogan.

Erdogan ayaa sheegay in uu la kulmi doono Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ay ka wada qeybgalayaan munaasabada ka dhacayso magaalada Paris.

Kulanka Erdogan iyo Trump ayaa lagu wadaa in ay ka wadahadlaan arrimo ku saabsan dilka Khashoggi inkastoo xiriirka labada dal uusan wanaagsanayn bilihii la soo dhaafay.

Dhinaca kale Booliska Turkiga ayaa joojiyay raadintii meydkii Khashoggi balse waxa ay sheegeen inay socoto baaritaanka  dadkii ka dambeeyay dilkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here