Erdogan Oo Lagu Heysto Inuu Qadar Siiyay Warshad Taangiyada Milatariga Sameysa

0
371

Madaxweynaha Turkiga ayaa ka hadlay arrimo la xiriira in dowladdiisu ay warshad taangiyada milatariga sameysa ku wareejisay Qadar.

Maalmihii lasoo dhaafayba waxaa la isla dhex marayay warar ku saabsan in warshaddaas oo hanti qaran ah loo badalay mid ay shakhsiyaad gaar ah leeyihiin, lagana iibiyay dad u dhashay dalka Qadar.

Waxaa sidoo kale ay xiisad ka dhex taagan tahay shaqaalaha warshadda ka howl gala oo ka biyo diidsan tallaabadaas oo dadka qaar ay ku tilmaameen mid uu ku dhaqaaay nin ay qaraabo yihiin madaxweyne Erdogan, kuna jira golaha sare ee xisbiga maamulka Turkiga haya.

Hase yeeshee, Recep Tayyip Erdogan, oo war kasoo saaray arrintan ayaa beeniyay in warshaddaas la iibiyay, wuxuuna canaan u jeediyay dadka wararka noocaas ah isla dhex maraya.

“Haddii ay jiraan dad isku dayaya inay waddankeenna sumacaddiisa wax ugu dhimaan arrimaha la xiriira warshadda taangiyada soo saarta ee ku taalla magaalada Arifiye, annagu kama hareyno dadaalka aan ugu jirno gaarista ujeeddada aan leennahay. Ugu horreyn, warshaddan qiimaheedu wuxuu gaarayaa 250 milyan oo doolar, ama haddii aadan doolar garaneynin waa 20 bilyan oo liiro, marka waxa nalagu heysto waxba kama jiraan,” ayuu yidhi Erdogan.

“Intaas waxaa sii dheer, magaca mashquucan ma aha in la iibiyay guud ahaan shirkadda laakiin waa in la wareejiyay xuquuqda wax soo saarka oo kaliya. Warshadda taangiyada sameysa ee Turkiga, oo ay leedahay wasaaraddeeda difaaca, ma aha iib, lagamana iibinayo maalgashadeyaasha u dhashay Qadar, laakiin waxaa howlaheeda ku bahoobay Turkiga iyo maalgashadeyaasha Qadar,” ayuu ku daray hadalkiisa.
Warbaahinta Turkiga ayaa shaaciyay in baaritaan lagu sameeyay nin ku xigeen ka ah maamulka xisbiga mucaaradka Turkiga ee magaciisa loo soo gaabiyo CHP, kaasoo lagu heysto inuu xisbiga talada haya si been abuur ah ugu eedeeyay inay warshadda taangiyada ka iibiyeen Qadar.

Ninka uu baadhitaanka ku socdo, oo lagu magacaabo Cali Maahir Basarir, ayaa wareysi uu dabayaaqadii isbuuca siiyay telefishinka Habertürk ku yidhi: “Waxaan gaadhnay heer ay milatarigii dalka awooddooda looga iibiyay Qadar. Ma garanayo qiimaha dhabta ah ee lagu iibiyay warshadda taangiyada, balse waxaa la siistay %50 milyan oo doolar.”

Basarir ayaa hadalkaas ku muteystay cambaareyn badan oo uga timid saraakiisha xisbiga talada haya, iyagoo ku eedeeyay inuu meel ka dhac ku sameeyay sharafta milatariga Turkiga.
Warshaddan oo la aasaasay sanadkii 1975-kii ayaa ku taalla gobolka Sakarya ee waqyooyiga dalka Turkiga, waana tan ugu weyn ee taangiyada dagaalka u sameysa milatariga waddankaas.

Ninka ay mucaaradka Turkiga ku eedeeyeen inuu warshadda iibiyay ayaa lagu magacaabaa Ethem Sancak, waana sarkaal sare oo xubin ka ah golaha fulinta ee xisbiga talada haya, AKP.

Waxaa sidoo kale lagu tilmaamay inuu yahay qofka uu kalsoonida ugu badan ku qabo madaxweyne Erdogan.

Shaqaalaha warshadda ee saluugsan mashquuca muranka dhaliyay ayaa sheegay inay mudaharaad sameyn doonaan 19-ka bisha January, iyagoo ka cabsi qaba in xuquuq ku waayaan ama qaarkood shaqada looga eryo isbaddalka lagu sameeyay warshaddan.

Laakiin mas’uuliyiinta gaashaandhigga ee Turkiga ayaa sheegay in wareejinta xuquuqda wax soo saarka warshadda aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin shaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here