Eey soo badbaadiyay wiil isaga oo nool ay hooyadii god ku aastay

0
623

Eey soo badbaadiyay wiil isaga oo nool ay hooyadii god ku aastay

Eey ayaa waqooyiga dalka Thailand soo badbaadiyay wiil yar oo markaasi dhashay oo isaga oo nool ay god ku aastay hooyadii oo dhawr itoban jir ah.

Wiilkani yar ayaa sida la sheegay waxaa godka ku aasatay ka dibna isaga dhaqaajisay hooyadii oo 15 sano jir ah, si ay waalidkeeda uga qariso ilmahaasi ay dhashay oo aan lala ogeyn.

Eeygaasi oo lagu magacaabo Ping Pong ayaa lugta ku qoday halkii uu wiilkaasi yar ku aasnaa, ka dibna waxaa uu arkay lug meel ka soo jeeda, sida uu sheegay milkiila eygaasi.

Dadka deegaanka ayaa markiiba wiilkaasi ula cararay isbitaalka, waxaana dhakhaatiirtu ay markiiba billaabeen in ay u qabeeyaan ka dibna waxa ay shaaciyeen in wali uu nool yahay oo caafimaadkiisu wanaasgan yahay.

Milkiilaha eygaasi, Usa Nisaikha, ayaa sheegaya in Eeygiis uu beelay hal lug ka dib markii uu jiiray baabuur.

Usa Nisaikha ayaa wargeyska Khaosod u sheeggay “sababta aan Eeygani u haysta ayaa ah daacadnimadiisa iyo in uu baari ii yahay. Waa uu icaawiyaa mar kastaa oo aan beerteyda aado oo aan soo eegaya lo’deyda. Waa Eey dadka tuuladan oo dhan ay aad u jecel yihiin. Wa mid cajiib ah.”

eeyLahaanshaha sawirkaKHAOSOD

Hooyada dhashay wiilkaasi yar ayaa maxkamad la soo taagay, waxaana lagu soo eedeeyay in ay cannugaasi dayacday iyo in ay isku dayday in ay disho.

Panuwat Puttakam oo ah sarkaal ka tirsan booliska dalkaasi ayaa wargeyska Bangkok Post u sheegay in hooyadaasi da’da yar haatan lagu wareejiyay hooyadeed iyo dhakhtar ku takhasasusay cilmi-nafsiga oo aad ula talin doono.

Gabadhaasi ayaa sheegtay in ay aad uga qoomamaynayso ficilkaasi ay ku kacday ee ah in ay god ku aasto wiilkaasi yar, waxaana haatan ay labadeeda waalid go’aansadeen in ay koriyaan cannugaasi yar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here