Dowladda UK oo soo dhaweysay qodobadii ka soo baxay shirkii ku soo idlaaday Jabuuti

0
85

Dowladda UK oo soo dhaweysay qodobadii ka soo baxay shirkii ku soo idlaaday Jabuuti

Dowladda UK ayaa soo dhaweysay Qodobadii ka soo baxay Shirkii dalka Jabuuti ugu soo geba gaboobay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland kaas oo dhinacyadu isku raaceen in si dhab ah loo ambaqaado Wadahadalladii labada dhinac.

Qoraal ka soo baxay Safaaradda Dowladda Britain ee Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Waxa aan soo dhaweynaa war-murtiyeedka ka soo baxay Wadahadalladii muhiimka ahaa ee u dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Muuse Biixi kaas oo ka dhacay Jabuuti.”

Dalka Jabuuti waxaa ku soo gabagaboobay shirka wadahadalka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland kaas oo caasimadda dalkaas ka furmay maalinimadii khamiista, iyada oo kulanka uu garwadeen ka ahaa madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle.

Muuqaallo ay heshay warbaahinta madaxabannaan ayaa muujinayey kulanka u dhaxeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixi Cabdi oo si wada jir ah u wada fadhiya, sidoo kale kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirada arrimaha gudaha labada dhinac.