Dowladda Soomaaliya oo si adag uga soo horjeesatay hadallo Isra’il kasoo yeeray

0
40

Dowladda Soomaaliya oo si adag uga soo horjeesatay hadallo Isra’il kasoo yeeray

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalay kulan ay isugu yimaadeen madaxda ururka Jaamicadda Carabta oo ka dhacay magaalada Qaahira.

 

Shirkan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha Falastiin, gaar ahaan dib u dhiska iyo sidii xal waara loogu heli lahaa xaaladda adag ee ka jirta Gaza iyo guud ahaan sidii loo garab istaagi lahaa shacabka Falastiin.

 

Mudane Xamsa waxa uu xusay sida xooggan ee ay dowladda Soomaaliya u uga soo horjeeddo hadalladii ka soo baxay Israaiil ee la xiriiray barakicinta shacabka reer Falastiin, taas oo xad-gudub cad ku ah qawaaniinta iyo heshiisyada caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha.

 

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu bogaadiyay dhabar adeyga shacabka reer Falastiin, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo shacabkeeda ay taageerayaan xaqa ay u leeyihiin dhismaha dowlad u gaar ah oo madax bannaan.