Dowladda Maali oo hakisay dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee Mucaaradka

0
15

Dowladda Maali oo hakisay dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee Mucaaradka

Maali ayaa hakisay dhaqdhaqaaqii siyaasadeed ee dalka oo dhan ka hor mudaaharaad la qorsheeyay oo looga soo horjeedo taliska milatariga ee xukumayay tan iyo afgambiyadii 2020 iyo 2021.

Axsaabta siyaasadeed ee dalka Galbeedka Afrika ayaa dalbaday in dib loogu soo celiyo nidaamka dastuuriga ah iyo doorashada madaxtinimo, waxaana la filayaa inay isugu soo baxaan banaanbax maalinta Jimcaha ah.

Si kastaba ha ahaatee, Taliska Milliteriga ayaa bayaan uu Arbacadii soo saaray waxa uu ku sheegay in la hakiyay dhaq-dhaqaaqyadii Xisbiyada Siyaasadda iyo Ururrada kale ee Siyaasadda ilaa amar dambe si loo ilaaliyo Ammaanka guud.