Dowladda Itoobiya Oo Sheegtay Inay Fashiliyeen Weerar Ay Damacsanaayeen Al-Shabaab

0
94

War kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay inay fashiliyeen weeraro ay Al Shabaab damacsanaayeen inay kusoo qaadaan gudaha dalka Itoobiya gaar ahaan Doolo caddo oo katirsan Dowlad degaanka Soomaalida.

Warkan oo lagu baahiyay Warbaahinta FBC iyo EBC oo ay dowladdu maamusho ayaa sidoo kale lagu sheegay in Al Shabaab uu bartilmaameed koodu ahaa inay weeraro qorshaysan kusoo qaadaan degmada Doolo caddo oo xigta dhanka xuduuda uu degaanka Soomaalidu la leeyahay Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya waxa kale oo ay sheegtay in gacanta lagu dhigay hub kala duwan iyo waliba jeerikaano ilaa lix Jeerikaan ah oo laga soo buuxiyay walxaha qaraxa loo adeegsado, iyo 3000 kun oo ah rasaasta qoriga Bireemka ah.

Ugu dambayn, Dowladda Itoobiya waxay sheegtay in howlahan lagu fashiliyay qorshaha Al Shabaab ay si wada jir ah u fuliyeen Ciidamada Militariga Itoobiya oo kaashanaya Hay’adaha amniga ee degmada Doolo caddo, waxayna dowladdu xustay in mar walba ay diyaar u yihiin sugidda amniga Shacabka.

Sanadkii 2022 Al-Shabaab ayaa weeraro saf ballaaran ahaa waxaa ay ku qaadeen degaano katirsan dhulka dowlad degaanka Soomaalida, hayeeshee waxaa ka difaacay Ciidamada dowlad degaanka Soomaalida ee liyuu Boolis, wallow Ciidamada Millateriga Itoobiya halkaasi lagu wareejiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here