Dowladda Imaaraadka Carabta Oo Safaarad Ka Furan Doonta Israel
Saraakiisha Imaaraadka waxay sheegeen inay maalinta Arbacadda ee soo socota si rasmi ahaan Safaaradooda uga furan doonaan Caasimadda Israel ee Telviv.
Madaxweynaha Israel, Isaak Herzog ayaa la sheegay inuu goobjoog ka noqon doono Munaasabadaasi.
Ergada Diplomaasiyiinta Israel waxay tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan ka hawl-galayeen dalka Imaaraadka, iyadoo isbuucii hore la furay dhismaha Safaraadda Israel ku leedahay Imaaraadka Carabta.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Israel, Yair Lapid waxa uu dabayaaqadii bishii hore ee June socdaal ku tegay dalka Imaaraadka, isagoo goobjoog ka noqday Furitaanka Qunsulliyada Guud ee Israel ee magaalladda Dubai.
Dabayaaqadii sanadkii hore, Dowladaha Imaaraadka, Moroko iyo Sudan waxay xiriir Diplomaasiyadeed la saxiixdeen Israel, kadib, markii uu Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump Galaangal u galay Heshiiskii the Abraham Accords si loo caadiyeyn lahaa Xiriirka Israel iyo dalalka Carabta.