Dowladda Hoose ee Hargeysa oo howl nadiifin ah ka billawday Suuqa Waaheen.

0
419

Dowladda Hoose ee Hargeysa oo howl nadiifin ah ka billawday Suuqa Waaheen.

Dowladda Hoose ee Hargeysa ayaa maanta Suuqa Waaheen ka billawday howlo lagu nadiifinayo si looga qaado Haraadiga badeecada & waxyaabihii ku gubtay 1dii April 2022 sida uu sheegay Duqa Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge.

Shacabka Hargeysa ayaa lagu wargeliyay in aysan tegin Suuqa Waaheen inta lagu howlan yahay nadiifinta maadaama Duqa Hargeysa uu sheegay in laga cabsi qabo waxyeello kasoo gaarto haraadiga walxaha gubtay.

Mooge ayaa sheegay in Dowladda Hoose ee Hargeysa ay diyaarisay Shaqaale ku filan si ay u qaadaan haraadiga walxaha gubtay si loo diyaariyo tallaabada xigta ah oo ah dib udhiska Suuqa Waaheen.

“Maanta waxaa billaabatay howl lagu nadiifinayo (Lagu xaadhayo) Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa, Dadka waan u sheegtay in aysan ka qaybgelin howsha socota waayo walxaha la qaadayo waxa ay u badan yihiin biro oo dhaawac u geysan kara haddii ay isku dayaan in ay qaadaan” ayuu yiri Duqa Hargeysa.

Duqa Hargeysa ayaa dalbaday in la gacansiiyo Dadkii ku hanti beelay Suuqa Waaheen, waxa uu guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay isku garab istaagaan xaaladaha adag si looga gudbo dhibaatooyinka taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here