Donald Trump oo ku dhawaaqay tirada Qaxootiga Dalkiisa qaadanayo sanadka 2026

0
5

Donald Trump oo ku dhawaaqay tirada Qaxootiga Dalkiisa qaadanayo sanadka 2026

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo aad u neceb soogalootiga ayaa sheegay in sanadka soo socda Xukuumaddiisu ay qaadanayso 7,500 Qaxooti u dhashay Koofur Afrika gaar ahaan kuwa midabkooda aanay madoobayn.

 

Trump ayaa sheegay in dadkaan ay u ogolaan doonaan inay tagaan Maraykanka kuna noolaadaan qaxooti ahaan, waxa uu meesha ka saaray in uu dabcinayo xarigga adag uu kol hore ku xiray Qaxootiga dalkiisa galaya.

 

Warqad Madaxweyne oo la daabacay shalay oo ahayd 30ka Oktoobar 2025 balse ku taariikhaysan 30ka Sebteembar 2025 waxa uu ku sheegay in go’aanka diidmada soogalootiga uu yahay sidii hore oo aanay ku jirin dadkaan la tilmaamay ee la qaadayo.

 

“Tirada la aqbalayo waa 7,500 oo qof oo laga soo qaadi doonno Koofur Afrika waana dadka caddaanka ah sida uu dhigayo amarka fulinta ee 14204 iyo dhibannayaasha kale ee la takooro ee caddaaladda ku waayay dalkooda” ayaa lagu yiri Xaanshida uu soosaaray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

 

Tiradaan waa dadkii ugu yaraa ee Maraykanka uu qaxootinimo u qaato tan iyo sanadkii 1980kii, Madaxweyne Donald Trump waxa ay horay isku qabteen Dowladda Koofur Afrika oo kala sooc ku tilmaamtay qaadashada Dadka cad iyada oo laga tagayo kuwa Madowga ah.