Diyaaradaha dagaalka Shiinaha oo lagu arkay hawada Taiwan

0
67

Diyaaradaha dagaalka Shiinaha oo lagu arkay hawada Taiwan

Jaziirada Taiwan ayaa walaac ka muujisay diyaaradaha dagaalka Shiinaha oo ay sheegtay in 24 saac ee la soo dhaafay lagu arkay hawadeeda.

Wasaaradda Difaaca ee Taiwan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in 66 diyaaradood iyo toddobo markab ay ku soo dhawaadeen dhulkeeda. Diyaarado gaaraya 56 ayaa gudaha u soo galay khadka jasiiradda iskeed u maamusho ee Shiinaha sheegto in ay ka tirsan tahay.

Wasaaradda Difaaca ee Taiwan ayaa sidoo kale baahisay labo sawir oo laga soo qaaday diyaaradaha J-16 ee Shiinaha iyo H-6 oo xambaartaa Nukliyeerka.

Afhayeenka wasaaradda difaaca Taiwan, Sun Li-fang ayaa sheegay in ay la socdaan dhaqdhaaqyada badda iyo cirka ah ee Shiinaha, isla markaasna ay jawaab adag bixin doonaan haddii ay sii socdaan.

Taiwan oo ah dal aan weli la aqoonsanayn ayaa waxaa sheegtay in ay ka tirsan tahay Dowladda Shiinaha.