Dil Ka Dhacay Degmada Cabudwaaq Iyo Faah Faahin Laga Helayo Dilkaasi

0
466

Dil Ka Dhacay Degmada Cabudwaaq Iyo Faah Faahin Laga Helayo Dilkaasi

Wararka aan ka heleyno Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas waaberigii hore ee saaka lagu dilay Darawal gaari oo kamid ahaa Darawalada gaadiileyda ee ka shaqeysa Magaaladaas iyo deegaano kale.

Darawalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mahad Farabadane, isla markaana waxaa uu kamid ahaa darawalada baaburta Qaadka qaada ka shaqeysa, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino.

Dad ayaa waxaa kusoo warrameen in dilka loo geystay Marxuum Mahad Farabadane uu ka dambeeyay, kadib markii muran kooban uu dhex maray isaga iyo Nin kale oo markii dambe dilay darawalka.

Mahad Farabadane ayaa gaadiidka qaadka u kala kaxeyn jiray Magaalooyinka Caabudwaaq iyo Guriceel ee  Gobolka Galgaduud ee dolwad Goboleedka Galmudug, waxaana goobta uu falka ka dhacay laga qaaday Meydka Marxuumka, si loo aaso.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here